Kulanka ugu horeeya ee El Clasico oo dhacaya habeenka sabtida ah ayaa ka hor waxaa soo baxay, cabasho Real Madrid ka qabaan garsooraha loo dhiibay ciyaarta weyn ee Jose Maria Sanchez Martinez, kaasoo noqon doona garsooraha dhaxdhaxaadin doona kulanka Santiago Bernabeu.
Ciyaarta ka hor, TV-ga Real Madrid ayaa sii daayay muuqaal ka mid ah baaris ay ku sameeyeen garsooraha caanka ah ee reer Spain kaasoo ay ku muujiyeen khaladaad uu sameeyay kulamadii ay ku lug llaeyd Los Blancos.
Tababaraha kooxda Barcelona Hansi Flick, oo kulankiisii ugu horeyay ee El Clasico isku diyaarinaya, ayaa wax laga weydiiyay mowduucaan intii lagu jiray shirkiisa jaraa’id ee ka hor kulanka.
Wuxuu yiri “Ma aanan daawan muuqaalada TV-ga Real Madrid, sax ma ahan in tan la sameeyo.
Garsoorayaasha waxay hayaan shaqo aad u adag, shaqadeena waa inaan diyaarino ciyaartoyda. Waxaan u leeyahay arimahaan khibrad aad u weyn, waligayna wax dhibaato ah kalama kulmin garsoorayaasha.
Waxaan u sheegay kooxda bilowgii xilli ciyaareedka in diirada la saaro waxqabadka, ee aan lagu mashquulin go,aanada garsoorayaasha.
Real Madrid ayaa si joogta ah kaga qeylinaysay garsoorahaan loo dhiibay kulanka weyn ee El Clasico, maadaama uu hore dhibaatooyin ugu geystay kooxdooda.