Paul Scholes, halyeeygii hore ee Manchester United, ayaa magac dhabay saddexdii ciyaaryahan ee ugu adkaa ee uu ka hor imaado xirfaddiisa ciyaareed. Si layaab leh, wuxuu xusay saaxiibkiisii hore Robbie Savage.
Scholes, oo loo arko mid ka mid ah khadka dhexe ugu fiican Premier League, ayaa ka hortagay ciyaaryahanno caalami ah oo tayo sare leh muddadii uu ciyaarayay. Wuxuu la ciyaaray xidigaha sida Xavi, Iniesta, iyo Patrick Vieira.
Intii lagu jiray doodda BBC Radio 5 ee barnaamijka Savage Social, Scholes wuxuu ku tilmaamay Savage “mid dhib badan” oo mar walba isku daya inuu xakameeyo ciyaarta, taas oo adkeynaysay inuu ku raaxaysto ciyaarta.
Scholes sidoo kale wuxuu magacaabay Patrick Vieira, isagoo ku tilmaamay inuu ahaa ciyaaryahan caqli badan oo aad u aragti dheer. Xirfadda Vieira ayaa ka dhigtay mid ay adagtahay in Scholes kubadda ku raaxeysto markay wada ciyaarayaan.
Ciyaaryahanka saddexaad ee uu xusay waa Papa Bouba Diop, oo hore ugu ciyaari jiray kooxaha Fulham, Portsmouth, iyo West Ham. Scholes wuxuu sheegay in Diop uu ahaa “mid dhib badan” in laga hortago sababo la xiriira xooggiisa jir ahaaneed.
Diop, oo loo yaqaanay “Wardrobe” sababo lala xiriiriyay dhererkiisa iyo xooggiisa, wuxuu ahaa ciyaaryahan ay adag tahay in la loodiyo marka laga hor imaado. Nasiib darro, Diop ayaa geeriyooday sanadkii 2020 kaddib xanuun wakhti badan uu la il darnaa.