Wakhtigiisii Jose Mourinho ee Manchester United wuxuu ahaa mid ku dhisan guulo iyo guuldarrooyin. Inkastoo uu ku guuleystay Europa League iyo League Cup, sanadihii dambe waxay calaamad u noqdeen kubad xumo iyo khilaafyo ka dhan ah ciyaartooyda. Eedeymaha fagaare uu usoo jeedinayo ciyaartooyda waxey abuurtay jawi qalafsan oo kooxda dhexdeeda ah.
Mid ka mid ah hadaladii ugu caansanaa ee Mourinho intuu joogay United, wuxuu ku wajahnaa afar ciyaartoy oo muhiim ah: Marcus Rashford, Luke Shaw, Anthony Martial, iyo Jesse Lingard. Wuxuu ku eedeeyey inay yihiin kuwo habaaran oo aan biseyl u aheyn horumarka kooxda, isagoo ku andacooday inaysan lahayn geesinimada iyo dabeecadda looga baahan yahay heerka ugu sarreeya ee kubadda.
Mourinho wuxuu si gaar ah Luke Shaw ugu tilmaamay inuusan garanayn sida loo tartamo. Wuxuu ku daray Martial, Lingard, iyo Rashford, isagoo sheegay inay leeyihiin karti badan laakiin aanay maskaxiyan u horumarsaneen.
Wuxuu isbarbar dhig ku sameeyay ciyaartoydii hore iyo ayaga, isagoo sheegay inay ka liitaan oo aysan laheyn adkeysiga looga baahan yahay kubadda.
Tan iyo markii uu Mourinho ka tagay United, Lingard iyo Martial labaduba way ka tageen Manchester United. Lingard wuxuu ku biiray Nottingham Forest ka dibna kooxda South Korea ee FC Seoul, halka Martial uu ku biiray AEK Athens.
Eedeymihii Mourinho ayaa u muuqda kuwa saxan, maadaama Manchester United wali dhibtooneyso sanado ka dib markii uu baxay. Inkastoo lacag badan la kharash gareeyay, kooxda ma aysan gaadhin horumar badan, wuxuuna weli yahay Mourinho tababaraha ugu guulaha badan tan iyo markii Sir Alex Ferguson ka tegay kooxda.
Beenta daayaa