Mikel Arteta ayaa cadeeyay in Arsenal ay heysato xaalad cakiran marka ay wajaheyso Liverpool axada soosocta kulan katirsan ciyaaraha 9-aad ee Premier League.
Walaaca ugu weyn ee uu qabo ayaa ah dhaawac xiriir ah oo kooxda ciyaartooy muhiim ah kasoo gaaray kulamadii ugu dambeeyay, iyadoo sidookale ganaax casaan ah uu ku maqan yahay Saliba.
Gunners ayaa u baahan inay dib ugu soo laabato guuldaradii 2-0 ahayd ee ka soo gaartay Bournemouth, taasoo soo gabagabeysay rikoorkeedii guuldarro la’aanta oo ahaa oo ay ku bilaabatay xili ciyaareedka.
Kooxda Arteta ayaa 1-0 kaga badisay Shakhtar Donetsk Champions League habeenkii xalay, laakiin guushaas waxaa la socday dhaawac soo gaaray difaaca reer talyaani ee Calafiori kaasoo awoodi waayay inuu ciyaarta dhameysto.
Calafiori ayaa hadda kula biiray liiska dhaawaca ciyaartoyda muhiimka ah ee Martin Odegaard iyo Bukayo Saka, kuwaasoo aan la helin karin ciyaarta Liverpool.
Bukayo Saka
Xiddiga garabka uga ciyaara Arsenal ayaa ku sugnaa garoonka Emirates habeenkii xalay, laakiin kaliya wuxuu soo fariistay tarabuunka isagoo daawanayay ciyaarta.
Saka ayaa dhaawac uu ka soo gaaray kulankii England ay la ciyaareen Greece ciyaaraha caalamiga ahaa, waxaana uu seegay kulamadii Bournemouth iyo Shakhtar.
Mar wax laga weydiiyay fursada Saka kulanka Liverpool ka hor, Arteta wuxuu yiri: “Waqti xaadirkaan rajo badan ma muuqato, aan aragno waxa dhaca, waxaan weli haysanaa dhowr maalmood oo aan ku ogaan karo xaaladiisa.
Martin Odegaard
Odegaard taam uma noqon doono inuu ciyaaro kulanka Liverpool, laakiin kabtanka Arsenal ayaa laga soo saaray dhaawaciisa warbixin dhiirigelin u ah taageerayaasha Arsenal.
Waxaan si adag uga shaqeynayay soo kabashadayda toddobaadyadii la soo dhaafay, waxaana seegay kulamo waaweyn oo muhiim ah, laakiin sida ugu dhaqsiyaha badan kooxda ayaa dhankeeda sheegtay in ciyaaryahanka uu kusoo laaban doono tababarka fudud.