Xiddiga Real Madrid Vinicius Junior ayaa lagu soo waramayaa in lasii ogaaday waqti hore, inuu yahay shaqsiga ku guuleysan doona abaalmarinta Ballon d’Or oo la bixin doono dhamaadka bishaan.
Sida ay sheegtay Diario AS, 24-sano jirkaan ayaa laga soo dhax-xxushay 29 musharax kale oo u tartamaya abaalmarinta shaqsiga ah ee ugu qaalisan kubadda cagta.
Xiddigaha la magacaabay September 4, 2024, waxaa kujira 7 xiddig oo Real Madrid ah, Si kastaba ha ahaatee, Vinicius ayaa loo aqoonsaday hadda inuu yahay musharaxa ugu cadcad ee abaalmarinta ku guuleysan kara.
Xiddigaha ay isku kooxda yihiin ee Jude Bellingham, Kylian Mbappe, iyo Dani Carvajal ayaa sidoo kale la fahamsan yahay in ay ku dhameysan karaan shanta ugu sareysa abaalmarinta.
Markii ugu horeysay tan iyo 2003dii, Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi midna kuma jiro musharaxiinta sanadkaan ku tartameysa abaalmarinta, taasoo kuu muujineysa inuu calankoodii dhacay.
Wargeyska rerer Spain ee Diario AS, ayaa hadda helay xog ku saabsan in xiddiga Real Madrid ee Vini uu ku guuleystay waqti hore abaalmarinta Ballon d’Or, laakiin wali ilo madax banaan oo xogtaas xoojinaya lama helin.
Dad badan ayaa qaba in laacibka Man City iyo Spain Rodri uu u qalmo abaalmarinta Ballon d’Or kadib guulihii kooxdiisa iyo wadankiisa.