Emmanuel Petit ayaa u sheegay kooxdiisii hore ee Arsenal inay ka fogaato soo qaadashada Nico Williams, taas bedelkeeda wuxuu farta ugu fiiqay xiddiga Real Madrid ee Rodrygo.
Arsenal ayaa ka mid ah kooxo dhowr ah oo xiiso u qaba garabka Spain Williams, Petit ayaa qiray in xiddiga kooxda Athletico uu noqon doono saxiix aan macquul aheyn.
Wuxuu yiri” Williams ilaa hadda ma muujin wax calaamad ah oo uu kaga tagi karo Bilbao uguna biiri karo kooxda u tartameysa Premier League ee Arsenal.
Gunners ayaa u dhaqaaqday maalintii ugu danbeysay suuqa Raheem Sterling, laakiin waxaa laga yaabaa inay suuqa dib ugu laabtaan bisha Janaayo ama xagaaga si ay u helaan saxiixyo dheeraad ah.
Rodrygo ayaa weli noqon kara saxiixooda ugu macquulsan, maadaama su’aalo la iska weydiinayo mustaqbalka xiddiga reer Brazil ee kooxda Real Madrid.
Carlo Ancelotti ayaa safkiisa kusoo daray Kylian Mbappe iyo Endrick, halka Vinicius Junior, Jude Bellingham iyo Brahim Diaz ay hore qeyb ugu ahaayeen weerarka Madrid. taas waxay la macno tahay in Rodrygo uu dareemayo culeys badan, Petit ayaana doonaya in Arsenal ay ka faa,iideystaan xiriirka Edu uu la leeyahay xiddiga ay isku dalka yihiin.
Arsenal waxay u baahan tahay inay Rodrygo kala soo wareegto Real Madrid maadaama uu door ahaan ka dambeeyo Kylian Mbappe iyo Vinicius Jr,” Petit ayaa u sheegay saxaafada.
Isagu wuxuu i xusuusinayaa Sylvain Wiltord markii aan wada joognay Arsenal, run ahaantii waxaan qiyaasayaa inuu xiddig weyn ku noqon karo Emirates Stadium.