Zinedine Zidane ayaa wali lala xiriirinayaa shaqada Manchester United ka dib qaab ciyaareedkii liitay ee ay kooxdu ku bilaabatay ololaha cusub ee Premier League.
Halyeyga reer France ayaa shaqo la’aan ah in ka badan saddex sano, inkastoo si joogta ah loola xiriirinayay shaqada garoonka Old Trafford.
Hadal heynta cusub ee isaga la xiriirinaysa markale Red Devils ayaa soo ifbaxday usbuucyadii la soo dhaafay iyadoo ay sii kordhayaan warar sheegaya in Erik ten Hag la ceyrin karo.
Laakiin hal dhibaato oo Zidane uu kaga shaqeyn karin Premier League ayaa jirta taasoo ah inuusan aqoon luuqada Ingiriiska, isaga laftiisa ayaa cadeeyay warkaan 2022.
Waxa uu ka hadlay rajada uu ka qabo in uu maamulo kooxda Premier League mar uu wareysi siinayay L’Equipe, isagoo yiri: “Weligay kama fikirin wax badan inaan guul ka sameyn karo meel kasta oo aan ka shaqeeyo, guulaha waa wax fudud oo la gaari karo” ayuu hadalkiisa ku daray.
Zidane wuxuu ku riyaaqay guulo waaweyn labadiisii xilli ciyaareed ee uu macalinka u ahaa Real Madrid, isagoo kula guuleystay laba La Liga iyo seddex Champions League.
Marka laga soo tago Man Utd, Zidane ayaa sidoo kale lala xiriiriyay kooxaha ugu sareeya Yurub, laakiin waxa uu ku adkeystay in kaliya uu sugayo shaqada xulka Framce, inkastoo rajadaasi soo dhamaatay.