Halyeey hore oo ka tirsanaa xulka qaranka Talyaaniga ayaa soo jeediyay inuu dib ugu soo laaban doono xirfadda kubadda cagta ee heerka sare isagoo jira 48 sano, toddobo sano kadib markii uu ka fariistay ciyaaraha.
Halyeeyga Roma, Francisco Totti, ayaa aaminsan inuu dib ugu laaban karo ciyaaraha kubadda cagta ee heerka sare.Wuxuu sheegay inay suuragal tahay inuu dib u soo laabto ‘laba ilaa saddex bilood gudahood’.
Xiddigii hore ee Roma, ayaa sheegay inuu ‘si fudud’ uga dhex muuqan karo ciyaaraha Serie A, isagoo xusay in kooxo kala duwan ay la soo xiriireen, inkasta oo uu qiray inay noqon doonto ‘waalli’ inuu dib uga soo muuqdo garoomada.
Weeraryahankii hore ee Roma, wuxuu ka fariistay ciyaaraha 2017 kadib 25 xilli ciyaareed oo uu la joogay Roma, isagoo ku guuleystay hal horyaal Serie A ah, wuxuuna noqday gooldhaliyaha ugu sarreeya kooxda iyo ciyaaryahanka ugu safashada badan taariikhda kooxda.
Francesco Totti ayaa sidoo kale la qaaday talayaaniga Koobka Adduunka 2006, isagoo ka qaybqaatay dhammaan ciyaaraha xulkiisa inkastoo uu la dhibtooday dhaawacyo ka hor tartanka.
Haddii uu dib ugu soo laabto kubadda, wuxuu jebin doonaa rikoodhka ciyaartooyga ugu da’da weyn. Totti wuxuu aaminsan yahay inay suuragal tahay arrintaas.
“Marka la eego heerka Serie A-da maanta, si fudud ayaan garoonka uga muuqan lahaa,” ayuu ku yiri La Gazzetta dello Sport.
“Waxaa jiray kooxo Serie A ah oo i soo wacay. Waxaan qirayaa inay igu abuurtay fikir, waalli ah. Way adkaan lahayd, laakiin nolosha waligaa ma oran kartid maya. Waxaa jira ciyaartoy badan oo sanooyin badan ciyaaray kadib markii ay xirfadooda soo idlaatay.”