Harry Kane waxaa lagu qasbay inuu raaco sharciga adag ee gawaarida ee Bayern Munich tan iyo markii uu kooxda ku biiray sanadkii 2023. Kooxda Bayern oo heshiis la leh shirkadda Audi, waxay ciyaartoyda iyo shaqaalaha kooxdaba siisaa gawaari Audi ah, Kane-na dhawaan wuxuu helay gaadhi cusub oo Audi ah oo ka mid ah heshiiska kooxda ay kula jirto shirkadda.
Ciyaartoyda Bayern waxaa lagu qasbaa inay adeegsadaan gaadhigooda Audi marka ay u socdaan tababarada, ciyaaraha guriga lagu ciyaarayo, iyo shaqooyinka kale ee kooxda. Inkasta oo ay ciyaartoydu isticmaali karaan gaadhigooda shakhsi wakhtigooda gaarka ah.Waxaa kaliya loo oggol yahay ciyaartooyda Bayern gaadiidka shirkadda Audi sida Bentley, Bugatti, iyo Porsche marka ay ku jiraan hawlaha kooxda.
Sharcigan ayaa soo socday muddo ka badan labaatan sano. Ciyaartoyda aan raacin sharciga waxay wajahaan cawaaqib. Sannadkii 2021, Kingsley Coman ayaa laga celiyay xarunta tababarka markii uu yimid isagoo wata Mercedes, kadibna waxaa lagu qasbay inuu raalli-gelin ka bixiyo markii uu mar kale yimid isagoo wata McLaren sababtoo ah gaadhigiisii Audi wuxuu ka halleysnaa muraayadaha.
Kane wuxuu muujiyay qaab ciyaareed cajiib ah tan iyo intii uu ku biiray Bayern Munich, isagoo dhaliyay 57 gool 55 ciyaarood oo tartamada oo dhan ah. Wuxuu dhawaan saddexleey ka dhaliyay ciyaartii ay 4-0 kaga badiyeen Stuttgart. Wuxuu rajaynayaa inuu sii wato qaab ciyaareedkiisa wanaagsan ciyaarta Champions League ee ay la ciyaarayaan Barcelona.