Uma ahayn isbuucaan mid u wanaagsan Arsenal. Waxa ay ciyaareen kulamada 8aad iyaga oo ka mid ah labada kooxood ee aan wali laga badinin Premier League xili ciyaareedkaan, waxaana ku weheliyay kooxda ay ku xafiiltamaan horyaalka ee Manchester City, waxaana ay hal dhibic oo kaliya ay u jireen hogaanka horyaalka.
ugu horeyn rkoorkii guul-darro la’aanta ahaa wuu jawabay, waxaana farqiga dhibcaha ee looga hogaaminayo horyaalka uu noqday afar dhibcood.
Sabtidii wiilasha Mikel Arteta ayaa la kulmay guuldaradii ugu horeysay xili ciyaareedkaan, iyagoo 2-0 ku garaacay Bournemouth. Waxa ay ahayd ciyaar madax xanuun sidatay, iyadoo William Saliba uu kaarka cas toos ah u taagay garsooraha.
Waa casaankii seddexaad ee Arsenal ay hesho xilli ciyaareedkan, waxaana ay kaliya labo dhibcood ka heleen sagaalkii kulan ee ugu dambeeyay oo ay casaan qaateen.
ciyaartoyda Arsenal ayaa la siiyay 18 kaarka casaan ah, ugu yaraan waa in shan in ka badan koox kasta oo kale oo horyaalka Premier League ciyaarta tan iyo markii la magcaabay Arteta 2019.
Dhibtooyinka Arsenal ayaa ka sii daray markii labada koox ee kula loolamayay horyaalka ay si dirqi ah ku guuleysteen. Man City oo doonaysay in aysan dhibco ku lumin kulankii Wolves. waxa laga dhaliyay goolkii ugu horeeyay ee ciyaarta markii shanaad todobadii kulan ee ugu dmabeeyay Premier Leaque-ga, lakaiin waxaa caawiyay kaba gool oo ka yimid daafacyada Josko Gvardiol iyo John Stones.
Dhinaca kale Liverpool ayaa sii wadatay bilowgeeda cajiibka ah ee waayaha Arne Slot, iyaga oo 2-1 kaga badiyay Chelsea kulan ka dhacay Anfield.
Goolal ay kala dhaliyeen Mohamed Salah iyo Curtis Jones, ayaa meesha ka saaray goolkii akoonka ahaa ee uu Chelsea u dhaliyay Nicolas Jackson.
Liverpool iyo Arsenal waxay si fiican u garanayaan awooda Manchester City marka ay timaado tartanka horyaalka, waxaana City oo dhawaaca Rodi wajahay wali ay yihiin kuwa ugu cadcad ku guuleysiga Premier League.