Mikel Arteta ayaa uga digay ciyaartooyda Arsenal inaysan kusii jiri karin tartanka horyaalka iyagoo uruursanaya kararka cas ee xiriirka ah.
William Saliba ayaa noqday ciyaaryahankii seddexaad ee Arsenal ah ee casaan la siiyo xilli ciyaareedkan markii uu dhulka dhigay weeraryahanka Evanilson kulankii guuldarada 2-0 Gunners ka soo gaartay Bournemouth.
Declan Rice iyo Leandro Trossard ayaa la siiyay kaararka casaanka bilowga xilli ciyaareedkan, waxay taas keentay hadal heyn badan oo la xiriirta sida Arsenal ugu tartami karto Premier League.
Tan iyo markii ugu horeysay ee Arteta uu qabtay shaqada Arsenal bishii December 2019, Gunners ayaa la siiyay 18 kaar oo casaan ah. Ma jirto koox kale oo Premier League ah oo sidaas sameysay.
Dhanka kale, Gunners ayaa sidoo kale la dagaalameysa dhaawacyada ciyaartoydeeda muhiimka ah ee Martin Odegaard, Bukayo Saka iyo Ben White.
Iyadoo kaararka casaanka ah uu yahay waxa ugu xun Arsenal xilli ciyaareedkan, Partey ayaa ku booriyay kooxda inay u hogaansamaan digniinta tababare Arteta ee ah inaysan ku guuleysan karin horyaalka Premier League haddii ay sii wadaan ciyaartooyda inay qaataan casaan.