Carlo Ancelotti horyaalka ma dhadhamin wax guuldaro tan iyo markii ay guuldaro kala kulmeen kooxda ay isku magaalada yihiin ee Atletico Madrid bishii Sebtembar 2023.
13 bilood oo guuldaro la,aan ah ayay Real Madrid gaartay isbuucaan markii ay si ciriiri ah 2-1 kaga badiyeen Celta Vigo habeenkii sabtida, taasoo sii dheeraysay rekoorkii guuldaro la’aanta ee Madrid oo gaaray haatan 42 kulan.
Real Madrid waxay usoctaa rikoorkii guulaha xiriirka ee ay Barcelona dhigtay intii u dhaxaysay 2017 ilaa 2018. markaas oo ay Catalan gaartay 43 kulan guuldaro la,aan ah.
Kooxda Camaaliqada ee ka dhisan caasimada Spain waxay haysataa fursad ay ku barbareyso rikoorkaas kulanka Sabtida ee El Clasico kaasoo ka dhici doona Santiago Bernabeu.
Real Madrid ayaa hore usoo jabisay rikoorkii guulaha xiriirka ahaa ee kooxda Real Sociedad oo heysatay 38 kulan oo guuldaro la’aan. waxay rikoorkaas sameyeen April 1979 ilaa 1980.
Haddii Madrid ay la mid noqoto kooxda Barcelona waxay u ahaan doontaa wax cajiib ah, maadaama muddo ay sugayeen inay gaaraan rikoorkii guulaha xiriirka ah ee uu Barcelona ka sameeyay Ernesto Valverde 2018.
Jude Bellingham, Vinicius Junior iyo Kylian Mbappe ayaa ku dhibtooday kulankii ugu dambeeyay inay guul gaarsiiyaan Real Madrid ilaa uu garoonka soo galo Luka Modric oo caawiyay goolka guusha.
Ciyaaryahanka ugu da’da weynaa taariikhda kooxda Real Madrid u ciyaara Modric oo 39 jir ah, ayaa loo baahan doonaa inuu qibradiisa isticmaalo kulanka soosocda ee El Clasico.