Thomas Frank ayaa ku amaanay xiddiga khadka dhexe ee Manchester United Christian Eriksen ‘inuu bandhigii ugu fiicnaa sameeyay kulankii ay kooxdiisu booqdeen isbuucaan Old Trafford.
United ayaa guul dirqi ah ka gaartay kooxda Brentford oo ay kaga badisay 2-1 sabtidii, waxana ay culayska ka yaraysay guushaan tababaraha dhiban ee Erik ten Hag.
Manchester United ayaa la rumeysnaa inay qiimeyneysay mustaqbalka Ten Hag intii lagu guda jiray fasaxa ciyaaraha caalamiga ah ka dib markii ay si xun ku bilowdeen xilli ciyaareedka taasoo keentay in Red Devils ay u dhacdo kaalinta 14aad ee Premier League.
Ten Hag ayaa cabsi dareemay markii Brentford uu hogaanka u dhiibay Ethan Pinnock, laakiin kooxdiisu ayaa u dagaalantay guul soo daahday oo ay ka gaareen Brentford.
Tababaraha Brentford Frank ayaa ku tilmaamay kulankii Old Trafford kulan labo qeybood ahaa, waxa uu si gaar ah u amaanay Eriksen isaga sheegay inuu ahaa kii ugu bandhiga fiicnaa Man Utd.
“Waxaa jiray waxyaabo badan oo aan ku amaani karo isaga, wuxuu ahaa farqiga noo dhaxeeyay anaga iyo kooxda Man Utd” ayuu hadalkiisa raaciyay tababaraha Brentford oo amaanay Eriksen.