Curtis Jones ayaa wacdarro dhigay guushii 2-1 ee Liverpool ka gaartay Chelsea, isagoo ku guuleystay abaalmarinta ciyaaryahanka ugu fiican ciyaarta.23 jirkan ka ciyaara khadka dhexe ayaa ka caawiyay in Liverpool hesho rigoore uu Mohamed Salah u beddelay gool, sidoo kale wuxuu dhaliyay goolkii guusha wax yar kadib markii Chelsea ay barbarreysay goolkii Salah.Jones ayaa door muhiim ah ka qaatay sidii Liverpool ay ugu soo laaban lahayd hogaanka horyaalka Premier League.
Tababaraha cusub ee Liverpool, Arne Slot, ayaa Curtis Jones siiyay xorriyad badan oo uu ku muujiyo xirfadiisa garoonka, taas oo u suurtagelisay inuu si fiican u muujiyo kartidiisa.
Isbedelka booskiisa ayaa keenay eedeymo ah in macallinkii hore Jurgen Klopp aanu si buuxda u adeegsan kartida Jones. Klopp inta badan wuxuu ku dhiirrigelin jiray Jones inuu diirada saaro raacashada, taasoo xaddiday doorkiisa weerar.
Micah Richards, isagoo ka hadlaya bandhigga Jones ee podcast-ka The Rest is Football, wuxuu sheegay in Daniel Sturridge sidoo kale aaminsanaa in Klopp uusan si buuxda uga faa’iidaysan xirfadaha farsamo ee Jones. Sida uu sheegay Sturridge, Jones wuxuu had iyo jeer lahaa xirfad iyo kalsooni dheeraad ah marka loo eego kaliya inuu xooga saaro raacashada.Wuxuu si muuqata u muujiyay awooddiisa dhanka weerar.
Hadda Jones wuxuu helay fursad uu ku ciyaaro boos xor ah, wuxuu muujiyay tayadiisa dhabta ah iyo awoodda uu u leeyahay inuu noqdo ciyaaryahan muhiim ah oo Liverpool ah. Bandhigyadiisii ugu dambeeyay waxay muujinayaan in laacibka da’da yar uu sii wadan karo qaab ciyaareedka cajiibka ah ee uu ku naaloonayo.