Dhacdadan ayaa dhacday dhamaadkii qeybtii hore ee ciyaarta markaasoo Madrid 1-0 ay ku hogaamineysay. Vinicius ayaa fursad u helay in uu kubbada u baaso Bellingham, laakiin taa beddelkeeda waxa uu door biday in uu gool ku tuuro isaga oo aan wax faa’iido ah u keenin kooxda.
Bellingham ayaa si cad ugu carooday dhacdadaas kadib dadaalkii Vinicius iyo isaga saxaafada ayaa buubuunisay, iyada oo kamaradu qabatay isaga oo si caro leh u fiirinaya dhanka saaxiibkiis.
Daacadnimo hadaan u hadalno, waxay aheyd wax cajiib ah sheekooyin qosol leh ayaa laga qiray dhacdadaas, laakiin waxaan u xalinay si gaar ah markii aan tagnay qolka labiska.
Ancelotti ayaa sidoo kale fikirkiisa ka dhiibtay wixii ay aheyd inuu sameeyo Vini. Inuu baaso waxay abuuri laheyd fursad gool ah laakiin ma dhicin ayuu yiri.
Los Blancos ayaa Celta ku smaeysay dhawr fursadoo waxaana ugu dambeyn ay kaga badiyeen 2-1