Manchester City ayaa ku dhibtootay kulankii ay wajaheen Wolves ciyaaraha kulamada 8aad ee Premier League.
Guardiola kooxdiisa ayaa waxaa ka muuqday daal iyo niyad jab badan, waxaana si gaar ah ay ugu dhibtoodeen abuurista fursado badan oo xerada ganaaxa ah.
Maqnanshiyaha Rodri waxay City ka dhigeysaa kooxda aan laheyn awood, gaar ahaan waxaa lumay isku xirkii khadka dhaxe iyo weerarka.
Daqiiqadii 7aad ee ciyaarta ciyaaryahanka Wolves ee J. Larsen ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa kadib caawin kadib dambeedka midig ee Portugal N. Semedo.
Wolves ayaa isku dayo badan sameyso si ay ciyaarta u disho, laakiin Man City ayaa la timid gool barbara ah oo uu dhaliyay qeybtii hore J. Gvardiol, waxaa cawiyay kubadaas Doku.
Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbaro, taaso xanuun u aheyd Guardiola kooxdiisa.
soo laabashada qeybtii labaad ee ciyaarta, Weerarka Man City ma abuurin fursado badan, halaand ayaana dhibtooday, mana jirin fursado badan oo soo gaaray.
dhamaadka kulanka Man City ayaa goolka guusha heshay, iyadoo uu u dhaliyay Stones oo difaaca ka ciyaara.
guud ahaan ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 2 1 oo ay ku badisay Man CIty o haatan la wareegtay hogaanka Premier League.