Kooxda martida loo ahaa ayaa ciyaarta ku bilaabatay qaab ciyaareed cajiib ah waxayna Arsenal ka joojisay in ay hesho dardar badan oo weerar ah iyada oo Kai Havertz uu u muuqday mid niyad jabsan.
Arsenal waxaa xaalka kusii xumeeyay William Saliba oo ciyaarta laga saaray kadib markii uu fursad gool u muuqatay uu qalad ku galay xiddiga Evanilson.
Wiilasha tababare Andoni Iraloa ayaa si fiican uga faa’ideysan waayay qeybtii hore kaarka cas ee loo taagay Saliba, iyadoo natiijada ay kusoo dhamaatay barbaro gool la’aan ah.
Markii la isku soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Bournemouth heshay fursad dahabi ah oo ay hogaanka ciyaarta kula wareegi kartay, laakiin Antoine Semenyo kubbadii uu ka soo tuuray gudaha xerada ganaaxa waxa si lama filaan ah u dul martay birta.
Marka laga reebo fursadaas, Arsenal ayaa u muuqatay mid aan raaxo badan dareemeyn ciyaarta oo dhan mana jirin wax fursado badan oo ay sameyeen wiilasha Arteta.
Ciyaartoyga Bournemouth ayaa ugu dambeyntii gool helay, Ryan Christie ayaa si qurux badan u dhammaystiray kubada.taasoo keentay in hogaanka loo qabto Arsenal.
Kooxda martida loo ahaa ayaa markale heshay fursad ay hogaanka ku laba jibaartay, iyadoo 10-daqiiqo ay ka harsan tahay ciyaarta Justin Kluivert ayaa gool labaad dhaliyay.
Arsenal ugu dmabeyn waxaa loo diiwaan galiyay guuldarradii ugu horeysay xili ciyaareedkaan, waxaana ciyaarta ay kusoo dhamaayya 2-0.