Liverpool ayaa loo sheegay in xiddiga Eintracht Frankfurt ee Omar Marmoush uu noqon karo bedelka Mohamed Salah oo ku guda jira sanadkii ugu dmabeeyay qandaraaskiisa Anfield, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in Arne Slot uu diyaar u yahay inuu baxo xididga.
Salah ayaa muhiim u ahaa Liverpool tan iyo markii lacag 36.9 milyan ginni kaga soo wareegay Roma xagaagii 2017. kaalinta shanaad ayuu kaga jiraa liiska gooldhaliyasha ugu sarreeya abid Liverpool.
Laakin iyadoo Salah uu qandaraaskiisu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkan, isla markaana uu xaq u leeyahay inuu heshiis hordhac ah la galo kooxaha doonaya, waxaa jirta fursad kooxdu wali ku raadineyso bedelkiisa.
Reds ayaa lala xiriiriyay dhowr bedel oo macquul ah, Leroy Sane oo Bayern Munich ah iyo xiddiga Real Madrid Rodrygo ayaana kujira liiska.
Si kastaba ha ahaatee, hal magac oo si weyn u soo shaac baxay toddobaadyadii la soo dhaafay ayaa ah bedelka Salah waana laacibka Marmoush, kaasoo xilli ciyaareedka cusub kula bilaawday Eintracht Frankfur qaab aan macquul aheyn.
Qaab ciyaareedka 25-sano jirkaan ayaa keenay inuu dhaliyo lix gool isalmarkaana shan caawin sameeyo, taasoo soo jiidatay kooxo oo ka dhisan Yurub.