Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa markii ugu horeysay ka hadlay wax ku saabsan mustaqbalkiisa Etihad Stadium.
53 jirkaan qandaraaskiisu wuxuu dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedka 2024-25, wali ma uusan go’aansan waxa uu doonayo inuu sameeyo marka lagaaro gabagabada qandaraaskiisa.
City ayaa la ciyaari doonta Wolves isbuucaan, iyadoo fadhida kaalinta labaad ee Premier League, lagamana badin todobadii kulan ee furitaanka inkastoo hal dhibic ka dambeeyaan hogaamiyayaasha horyaalka Liverpool.
“Mar ay dhacdo inaan baxo way dhaceysaa,” Guardiola ayaa u sheegay BBC Sport, mar la weydiiyay haddii go’aan ka gaaray mustaqbalkiisa.
Guardiola ayaa si weyn loola xiriirinayay shaqada xulka England ka hor inta aan la shaacin inuu ku guuleystay Thomas Tuchel.
Warar xan ah ayaa sheegaya in Guardiola uu raaci doono madaxa ciyaaraha kooxda Txiki Begiristain oo xaqiijiyay in uu kooxda isaga tagi doono dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Mid ka mid ah sababaha aan qandaraaska u kordhiyay labada jeer ee hore waxaa sabab u ah Txiki,” Guardiola ayaa yiri.
“Waxaan u wada shaqeynay si cajiib ah, marka aan badino, waxaan falanqeynaa jawiga, marka nalaga badiyo waxaan isku daynaa inaan raadino sababta nalooga badiyay, labadeenaba waxaan u shaqeynaa sida ugu fiican ee kooxda u guuleysan karto.