Cristiano Ronaldo ayaa weli ah ciyaaryahanka ugu mushaarka badan kubada cagta adduunka, sida lagu sheegay warbixin cusub oo caawa soo baxday.
Xiddiga reer Portugal ayaa sanadkii waxaa usoo xarooda 263 milyan oo Euro oo isugu jirta mushaar iyo xayaysiimo kale.
Ciyaaryahankii hore ee Manchester United iyo Real Madrid ayaa weli ku jira kaalinta koowaad. Iyadoo 39-jirka talisman-ka ah dhaqaale kale xitaa uu ka sameeyo baraha bulshada.
Xogtaan oo lagu baahiyay shabakada dhaqaalaha ee Forbes, ayaa lagu sheegay in Ronaldo uu 203 milyan oo Euro mushahar ahaan kaga helo kooxda Saudi Arabia ee Al Nassr, isagoo 60 milyan oo dheeraad ku hela heshiisyada kale ee baraha bulshada.
Wuxuu kusoo biiray dhawaan barta YouTube. kanaalkiisa ayaa noqday kii ugu dhaqsiyaha badnaa ee gaara hal milyan oo macaamiil ah.
Ronaldo tan iyo markii uu ku biiray Horyaalka Saudi Arabia wuxuu kaalinta koowaad kaga jiray liiska ciyaartooyda ugu mushaarka badan dunida.