Arsenal ayaa kamid ah kooxaha aadka uga xumaaday ciyaarista kulamada caalamiga ah ee bishan October kadib dhaawacyo soo gaaray dhowr xiddig oo safkooda muhiim u ahaa.
Gunners ayaa badisay afartii kulan ee ugu dambeyay tartamada oo dhan, waxaana ay yihiin koox aan weli laga badin bilowga ololaha cusub, iyadoo Mikel Arteta wiilashiisa ay muujiyeen baahi ay u qabaan ku guuleysiga horyaalka isbuucyadii furitaanka.
Si kastaba ha ahaatee, dhaawacyo ayaa baabi’in kara ololaha kooxda ka dhisan waqooyiga London kadib soo laabashada fasaxa ciyaaraha caalamiga ah ee October
Waxaa jira walaac laga qabo taam ahaanshaha dhowr ciyaartooy, Iyada oo Arteta uu war wanaagsan ka sugayo shaqaalihiisa caafimaadka.
Wararkii ugu dambeeyay dhaawaca Arsenal
Ben White
Dooqa koowaad ee daafaca dambeedka midig ee Arsenal ayaa la waayay dhamaan kulankii ugu dambeeyay, waxaa dhaawac ku maqan afar kulan oo xiriir ah Ben White oo hadda ku dhaw inuu usoo laabto kooxda kulanka soosocda.
Jurrien Timber
Jurrien Timber ayaa dhaawac muruq ku baxay kulankii Arsenal 2-0 kaga badiyeen Paris Saint-Germain Champions League, waxaana uu ka maqnaa kulankii Southampton. marka la eego taariikhda dhaawaciisa kooxda waqooyiga London ka dhisan, Arteta cabsi badan ayuu ka qabaa ciyaaryahankii hore ee Ajax.
Ka dib markii uu ka maqnaa kulamadii caalamiga ahaa ee Nederland, Timber diyaar ayuu u yahay safarka Vitality Stadium usbuuca dambe.
Martin Odegaard
kabtanka Arsenal Martin Odegaard ayaa la la’yahay tan iyo bishii Septembar ka dib markii uu dhaawac canqowga ah ka soo gaaray ciyaarihii Norway ee tartanka UEFA Nations League.
Arteta ayaa ka caga jiiday inuu waqti u qabto soo laabashada kabtankiisa, mana cadda goorta uu soo laaban doono, iyadoo tababaraha Spain uu ku tilmaamay dhaawaca Odegaard mid waqti qaadan kara.
Bukayo Saka
Taageerayaasha Arsenal ayaa wadnaha farta saaray kadib dhaawaca Bukayo Saka uu kaga baxay garoonka kulankii England ay guuldaro 2-1 ah kala kulmeen Greece.
Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ayaa dareemay dhaawac muruqa ah, waxaase ay hadda u badan tahay inuu soo kabsaday kadib maalmo fasax ah oo uu helay.
Gabriel Martinelli
Gabriel Martinelli ayaa ahaa dhaawac kale oo ka soo gaaray fasaxa caalamiga Arsenal, isagoo dhaawac muruqa ah kala kulmay kulankii Brazil isreebreebka Koobka Adduunka 2026 ay la ciyaareen Chile.
Xiddiga garabka ka ciyaara ayaa seegay kulankii xigay ee Peru. waxaa hubaal ah inuu shaki ku jiro kulanka soosocda ee Arsenal.