Barcelona ayaa si lama filaan ah ugu biirtay tartanka loogu jiro saxiixa Alphonso Davies, ciyaaryahanka muddada dheer lala xiriirinayay Real Madrid.
Sida laga soo xigtay Mundo Deportivo, xiisaha Barcelona ayaa yimid xilli Real Madrid aysan u muuqan inay tartan badan kala kulmayaan laacibka reer Canada
Bayern ayaa, dabcan, doonaysa inay sii heysato Davies, kaas oo qandaraaskiisa haatan ku eg yahay ilaa 2025. Muddo toddobaadyo ah, waxa si weyn loo rumeysnaa in Real Madrid ay hogaanka u haysay saxiixa Davies, iyada oo Bayern diiradda saarayso sidii ay u sii haysan lahayd xiddiga.
Si kastaba ha ahaatee, warar dhawaan soo baxay ayaa tilmaamaya in wada-hadalladii qandaraaska u dhexeeyay Davies iyo Bayern ay hakad galeen, taas oo albaabka u furtay kooxaha kale inay sameeyaan isku daygooda. Waxaa halkaas ka soo baxday Barcelona, iyada oo rajaynaysa inay ka faa’iidaysato xaaladda aan caddeyn ee mustaqbalka ciyaaryahanka.
Toddobaadyadii la soo dhaafay, waxaa jiray warar kala duwan oo ku saabsan xaaladda Davies. Qaarkood xitaa waxay sheegeen in ciyaaryahanka uu heshiis shan sano ah la gaaray Real Madrid, kaas oo ka dhigaya inuu joogo kooxda Spain ilaa 2030.
Si kastaba, ma jirto xaqiijin rasmi ah oo la sameeyay, waxaana mustaqbalka Davies wali yahay mid aan la hubin. Xitaa suurtagalnimada ah inuu weli qandaraaska u cusboonaysiiyo Bayern Munich lagama hadli karo.
Marka la gaaro bisha Janaayo, Davies wuxuu awood u yeelan doonaa inuu heshiis horudhac ah la saxiixdo koox kale oo shisheeye ah, taasoo u oggolaanaysa inuu si xor ah ula xaajoodo kooxaha iyada oo aan Bayern ku lug lahayn.