David Beckham ayaa fariin cad u diray Sir Jim Ratcliffe oo ah mulkiilaha cusub ee Manchester United, isagoo sheegay inuu ku dadaalo rabitaanka taageerayaasha kooxda.
Beckham, oo ka hadlayay barnaamijka podcast ga”Rio Ferdinand Presents”, ayaa qiray in taageerayaasha kooxdiisii hore ay sugayeen waqti dheer si ay mar kale u arkaan United oo si joogto ah u hananeysa koobab.
Ratcliffe ayaa noqday mulkiilaha Manchester United bilowgii 2024, waxaana uu durba bilaabay hawsha dib-u-habaynta howlaha kubadda cagta ee Old Trafford.
Si kastaba ha ahaatee, inkasta oo maalgashi weyn lagu sameeyay saxiixyo cusub iyo magacaabis xubno muhiim ah oo guddi ah, haddana United wali waxey la daalaa dhaceysaa hoos udhac weyn.
Tababaraha kooxda, Erik ten Hag, ayaa wajahaya cadaadis xooggan oo ku saabsan badbaadinta shaqadiisa kadib markii kooxdu ku bilowday xilli ciyaareedkan si liidata.
United ayaa ku jirta qeybta hoose ee kala sarreynta horyaalka Premier League, iyadoo kaliya saddex guul soo hoyisay 11 kulan oo ay ciyaartay dhammaan tartamada.
Beckham ayaa yiri: “Waxaan u maleynayaa in isbeddel dhab ah loo baahnaa. Anigoo ku hadlaya afka taageereyaasha Manchester United, waxaan hubaa in dad badan ay horey u dalbadeen in kooxda isbeddel lagu sameeyo.”