Wadahadalada qandaraas kordhinta ee Newcastle iyo Alexander Isak ayaa gaaray meel xun, taasoo Arsenal siineysa fursad ay kula hadlaan wakiilada ciyaaryahanka ka hor suuqa kala iibsiga ee Janaayo.
Isak, oo hadda ku jira sannadkiisii seddexaad ee St James’ Park ayaa noqday mid ka mid ah weeraryahannada loogu doonista badan yahay isagoo dhaliyay 36 gool 73 kulan oo uu u saftay Magpies.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Sweden ayaa dhaawac ku seegay xilli ciyaareedkii hore kulamo badan, laakiin wuxuu dhaliyay 25 gool tartamada oo dhan.
Isak qaab ciyaareedkiisa ayaa aad usoo jiitay taageerayaal badan oo Arsenal ah, 25 jirkaan waxay u badan tahay haatan inuu ka tagi karo kooxdiisa.
Labada kooxood ee Arsenal iyo Tottenham ayaa la sheegay inay 100 milyan ginni ku dalbadeen Isak xagaagii, laakiin Eddie Howe ayaa ku adkaystay in weeraryahanku aanu iib ahayn.
Newcastle waxay ku guulaysatay inay sii haysato xiddiga qaaliga ah xilli ciyaareed kale.balse uma badna inuu kordhin doono qandaraaskiisa.