Liverpool ayaa isha ku haysa horumarka xiddiga Red Star Belgrade Andrija Maksimovic inkasta oo ay tartan kala kulmi doonaan kooxaha Borussia Dortmund, Juventus iyo Manchester City sida uu baahiyay saxafiga Florian Plettenberg.
Maksimovic ayaa xilli ciyaareedkii hore dhaliyay lix gool 24 kulan oo uu saftay isagoo 16 jir ah taasoo keenta inuu soo jiito indhaha saraakiisha suuqa Liverpool.
Xiddiga waxaa doonaya kooxo badan oo ay ka mid yihiin City iyo Juventus, laakiin Liverpool ayaa u muuqata mid ka mid ah kooxaha la saxiixan kara da,yarkaan lagu qiineeyo 15 milyan oo euro.
Reds ayaa isha ku haysa inay dib u dhis sameyso, waxayna u arkaan Maksimovic inuu yahay dooq looga faa,iideysan karo laba door oo kala ah khadka dhaxe ee weerarka iyo lambar 9-ka tooska ah.
17-sano jirkaan ayaa fursad ka heysta safka koowaad ee Red Star xilli ciyaareedkan, wuxuu ka soo muuqday kulankii Champions League ee Inter Milan horaantii bishaan, waxaana uu kulankiisii ugu horeyay u saftay xulka Serbia ciyaartii Switzerland ee Nations League isagoo noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee abid u ciyaara qarankiisa.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Serbia ayaa awood u leh inuu boos joogto ah ka helo tababare Slot, waxaana lagu qiimeeyay inuu yahay bedelka mustaqbalka fog ee Mohamed Salah, kaasoo aan la hubin mustaqbalkiisa Anfield.