Kullan wacan aqristayaasheena sharafta badan, waxaan halkaan kusoo gudbin doonaa wararkii ugu dambeeyay wargeysyada iyo suuqa kala iibsiga ciyaartooyda maanta oo arbaco ah.
Paris Saint-Germain ayaa dib u soo celisay xiisaha ay u qabto saxiixa weeraryahanka Manchester United Marcus Rashford.
Kooxda reer France ayaa ku doonaysay heshiis ku kacaya 75 milyan oo gini ciyaaryahanka xagaagii, laakiin United ayaa diiday (TEAMtalk)
Arsenal ayaa diyaar u ah inay bixiso €50m si ay ula soo wareegto daafaca dhexe ee Atalanta Isak Hien, kaasoo loo arko inuu la dagaalami karo William Saliba iyo Gabriel. (Fichajes – Spain)
Chelsea diyaar uma ahan inay dhageysato dalabka PSG ku dooneyso weeraryahanka reer France ee Christopher Nkunku. (Football Insider)
Man Utd ayaa u aragta Ben Chilwell oo Chelsea ka tirsan shaqsiga buuxin kara booska difaaca bidix ee kooxdu ka dhibtooneyso (CaughtOffside)
Liverpool ayaa isha ku haysa inay la soo wareegto garabka Real Madrid Rodrygo, waxay diyaar u tahay inay 130 milyan ginni kusoo iibsato xagaaga (Defensa Central – Spain)
Aston Villa ayaa ka fiirsaneysa inay Janaayo dalab ka gudbiso daafaca dhexe ee RB Leipzig Castello Lukeba, iyadoo rajeyneysa inay saxiixiisa ku garaacdo Chelsea iyo Real Madrid, 60 milyan oo ginni ayaa lagu qiimeeyaa difaacaan (Caughtoffside)
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Inter Nicolo Barella waxaa xiiseynaya kooxaha Atletico Madrid, Real Madrid, Liverpool iyo Manchester City. (Fichajes – Spain)
Barcelona ayaa bartilmaameedkeeda ugu weyn suuqa ka dhigeysa weeraryahanka Liverpool Darwin Nunez hadii ay ku guuldareystaan inay Erling Haaland kala soo saxiixdaan Manchester City xagaaga soo aadan. Sidookale Alexander Isak oo ka tirsan Newcastle United ayaa ah dooqooda seddexaad (The Sun)
Real Madrid ayaa tartan adag kala kulmeysa AC Milan saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe ee River Plate Franco Mastantuono, inkastoo kooxda Serie A aysan diyaar u aheyn inay 17 jirkaan ku iibsadaan €45m oo ah lacagta lagu burburin karo qandaraaskiisa. (La Gazzetta dello Sport – Italy)
Kieran Tierney ayaan wax xiiso ah u qabin in uu sii joogo Arsenal. wuxuu dib ula midoobi doonaa Brendan Rodgers oo maamula Celtic. (TBR Football)
Kooxaha Arsenal, Liverpool iyo Man City ayaa dhamaantood isha ku haya daafaca bidix ee kooxda Club Brugge Maxim De Cuyper iyo xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Torino ee Samuele Ricci (TBR football)