Casemiro ayaa horey ugu sheegay Manchester United tababaraha ku habboon ee bedeli kara Erik Ten Hag haddii shaqada laga ceyriyo. Ten Hag ayaa cadaadis weyn kala kulmaya mas’uuliyiinta ugu sarreysa kooxda, iyadoo loo qabtay waqti kama dambeys ah si uu wax uga bedelo kooxda xilli ciyaareedkan.
Man United ayaa haatan ku jirta kaalinta 14-aad ee Premier League, iyagoo saddex kulan laga badiyay.
Tababareyaal magac leh ayaa lala xiriirinayaa inay Ten Hag bedelaan, waxaana ka mid ah Zinedine Zidane oo haatan shaqo la’aan ah tan iyo markii uu ka tagay Real Madrid.
Casemiro ayaa haatan ogolaaday in kooxda ay isku daydo inay la saxiixato Zidane.Casemiro wuxuu sheegay in Zidane uu isbeddel wax ku ool ah kusameyn karo kooxda hadii loo dhiibo shaqada tababarenimo.