Emile Heskey, xiddigii hore ee Premier League, ayaa sheegay in weeraryahanka Aston Villa, Ollie Watkins, uu leeyahay hab ciyaareed dhamaystiran oo ka wanaagsan kan Erling Haaland. Inkastoo Haaland uu ku jiro qaab ciyaareed heer sare ah. Wuxuu dhaliyay 10 gool todoba kulan oo Premier League ah xilli ciyaareedkan. Heskey ayaa ku dooday in Watkins uu ka waxtar badan yahay Haaland marka laga eego dhinacyo kale oo aan gool dhalin keliya ahayn.
Watkins ayaa xilli ciyaareedkii hore dhaliyay 19 gool oo Premier League ah, isagoo sidoo kale caawiyay 13 gool, taasoo ka dhigaysa inuu door muhiim ah ka ciyaaro guulaha Aston Villa ee tababare Unai Emery. Heskey wuxuu qiray in Emery yahay tababare leh rikoor cajiib ah, gaar ahaan dhanka koobabka, waxaana Villa ay ku jirtaa qaab ciyaareed qurux badan.
Heskey wuxuu intaa ku daray, “Waxaan u maleynayaa in Villa ay haysato weeraryahanka ugu fiican ee Premier League ka dib Haaland, waana Ollie Watkins. Waxa jirta dood ah in Watkins uu xitaa ka wanaagsan yahay Haaland waqtigan la joogo, sababtoo ah waxaan wax loo dhigo laheyn waxtarkiisa ciyaarta iyo waxa uu u sameeyo Aston Villa marka laga reebo gool dhalinta.”