Chelsea waxay la kulantay walaac dhaawac kahor kulanka Liverpool iyadoo afar ciyaaryahan durba laga saaray liiska ciyaartoyda. Liverpool ayaa ku soo laabaneysa tartanka Premier League Axadda,halkaas oo ay anfield ku martigelin doonaan Chelsea.
Alexis Mac Allister oo dhaawac ku baxay intii lagu jiray guushii 1-0 ee Crystal Palace ayaa seegay barbaraha Argentina iyo Venezuela, laakiin wuxuu ku soo laabtay safka koowaad kupankii xulka Argentina ay 6-0 ku garaaceen Bolivia. Curtis Jones ayaa sidoo seegay ciyaarihii xulka England sababtoo ah wuxuu noqday aabe markii ugu horreysay. Waxaa shaki ku jira caafimaadka Wataru Endo, oo ku seegay ciyaartii Japan iyo Australia xanuun.
Haddii Endo ka soo kabto xanuunka,Liverpool ayaa xaqiijisay in Alisson dhaawac kaga maqnaan doono, halka Harvey Elliott aanu weli diyaar u ahayn inuu ciyaaro, iyadoo wali war ugu dambeys ah laga sugayo xaaladda Federico Chiesa.
Dhanka Chelsea, afar ciyaaryahan ayaa si rasmi ah looga saaray kulanka. Marc Cucurella iyo Wesley Fofana ayaa ganaaxan kaddib markii ay qaateen jaallihii shanaad ee xilli ciyaareedka intii lagu jiray barbarihii 1-1 ee Nottingham Forest. Omari Kellyman ayaa weli dhaawac muruqa uga maqan kooxda, halka Carney Chukwuemeka uu sidoo kale shaki ku jiro ka dib markii uu seegay labadii kulan ee ugu dambeysay xanuun awgiis. Kabtan Reece James ayaa ku soo laabtay tababarka, balse waxaa la filayaa inay yartahay fursaddiisa inuu ciyaaro kulanka Liverpool.