Liverpool iyo Arsenal ayaa ku loolamaya saxiixa khadka dhexe ee Shakhtar Donetsk, Georgiy Sudakov, oo lagu qiimeeyay €65m. Kooxo kale oo ka tirsan Premier League ayaa sidoo kale xiiseynaya ciyaariyahanka.
Sida ay sheegtay CaughtOffside, Liverpool, Arsenal, Tottenham, Aston Villa, iyo Newcastle United ayaa dhammaantood baacsanaya laacibka heerka caalami ee dalka Ukraine, oo qaab ciyaareedkiisa cajiibka ah lala barbar dhigayo xiddiga Chelsea, Mykhailo Mudryk, oo isna xiddig weyn ahaa intii uu ku sugnaa halkaas.
Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in Liverpool iyo Arsenal ay u direen wakiillo inay daawadaan Sudakov intii lagu jiray kulamadiisii ugu dambeeyay ee ka dhanka ahaa LNZ Cherkasy iyo Veres Rivne.
22-jirka ayaa soo jiitay indhaha kooxahan, waxaana la filayaa inay sii xoojiyaan xiisaha ay u qabaan laacibkan, inkastoo uu qaali noqon doono, maadaama Shakhtar ay u badan tahay inay ku dalbato ugu yaraan €65m si ay u iibiyaan xiddigooda ugu fiican.
Napoli ayaa horay dalab €40m ah looga diiday xiddiga, balse hadda waxaa muuqata inuu u wareegi doono koox weyn oo ka ciyaarta horyaalka Yurub.
Arsenal ayaa si weyn ugu baahnaan karta ciyaartoy da’ yar oo khadka dhexe ah, taasoo Sudakov uu noqon karo xalka muddada dheer ee badalka xiddigaha da’da ah Jorginho iyo Thomas Partey, kuwaasoo labadooduba heshiisyadooda ay dhamaan doonaan dhammaadka xilli ciyaareedkan.
Dhanka kale, Liverpool ayaa horay isku dayday inay lasoo wareegto Martin Zubimendi xagaagii, laakiin wey ku fashilantay, sidaas darteed, Sudakov wuxuu noqon karaa bedel macquul ah oo dabooli kara baahida khadka dhexe ee Liverpool .