Real Madrid ayaa isha la raaceysa xiddig kale oo ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican Xabi Alonso.
Real Madrid waxay sameysay labo saxiix oo waaweyn suuqii kala iibsiga xagaaga 2024, balse labadan saxiix ee weyn ee weerarka waxay ahaayeen heshiisyo horay loo qorsheeyay, kuwaas oo qof walba ka war qabay inay imanayaan.
Xagaaga 2025, Real Madrid waxay haysataa suuq kala iibsi oo xiiso leh. Waxey diyaar u tahay Real iney qaado wadooyin kala duwan si ay u xoojiso kooxda difaac ahaan. Real waxey sanadihii dambe noqotay mid aad uga liidata dhanka daafaca.
Difaacyada bidix, dhexe, iyo midig ayaa noqon doona boosaska mudnaanta leh ee Real Madrid iyadoo ciyaartoyda sida Alvaro Fernandez, Antonio Silva, iyo Alphonso Davies ay kusoo baxayaan bartilmaameedka boosaskan muhiimka ah.
Sida lagu sheegay warbixin uu qoray Florian Plettenberg oo ka tirsan Sky Sports Germany, Real Madrid ayaa la xaqiijiyay inay daba socoto xiddiga dambeedka midig ee Bayer Leverkusen, Jeremie Frimpong, kaasoo ka mid ahaa kuwa ugu fiican adduunka booskan xilli ciyaareedyadii la soo dhaafay – xitaa ka hor inta aan Leverkusen caan noqon xilli ciyaareedkii hore.
Qandaraaska Frimpong ayaa lagu burburin karaa 40 milyan euro, taas oo ka dhigaysa mid la awoodi karo islamarkaana qiimihiisa iyo qaabka ciyaareedkiisa ay isu qalmaan.
Frimpong waa 23 jir leh rikoor heersare ah oo ah 17 gool iyo 14 caawin labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeysay ee uu labqaatay Leverkusen. Sida ugu wanaagsan, wuxuu noqon karaa xulasho ku wehelisa daafaca, Carvajal halkii uu si toos ah bedel ugu noqon lahaa.