Wojciech Szczesny oo hore u ahaa goolhayaha Arsenal ayaa qiray in uu ka cabsan jiray Lionel Messi mar kasta oo uu wajaho xiddiga reer Argentina.
Goolhayihii hore ee Arsenal Wojciech Szczesny ayaa sheegay inuu ka cabsan jiray mar kasta oo uu wajaho Lionel Messi.
34 jirkan ayaa si kooban uga fariistay ciyaaraha xagaagan, balse waxa uu helay fursad lama filaan ah oo uu dib ugu soo laabanayo kubadda cagta kadib markii goolhayaha Barcelona Marc-Andre ter Stegen uu dhaawac jilibka ka soo gaadhay, kaas oo uu kaga maqnaan doono inta ka dhiman xilli ciyaareedkan. Szczesny, oo toddobadii sano ee ugu dambeeyay u ciyaarayay Juventus, ayaa ogolaaday inuu ku biiro kooxda reer Catalonia bilowgii bishan.
Goolhayihii hore ee xulka Poland ayaa xirfaddiisa ciyaareed ka bilaabay Arsenal, halkaas oo uu ku qaatay sagaal sano oo uu kula guuleystay Arsenal laba koob oo FA Cup ah. Kahor intii aanu kooxda ka tagin. Szczesny waxa uu laba sano amaah ku joogay Roma, halkaas oo bandhigyadiisii cajiibka ahaa ay Juventus ku qanciyeen in uu yahay goolhayaha ku habboon beddelka Gianluigi Buffon.
Inkasta oo uu ku raaxaystay xirfad guul leh, haddana goolhayaha cusub ee Barcelona ayaa qirtay in Messi uu yahay ciyaaryahanka kaliya ee mar kasta baqdin geliya marka ay garoonka iskaga hor yimaadaan.
“Waxaan mar walba ka cabsan jiray inaan ka hor imaado Leo. Waxaa laga yaabaa inay jiraan ciyaartoy kale oo goolal bada iga dhaliyay,” Szczesny ayaa sidaas u sheegay Mundo Deportivo. “Laakiin wuxuu ahaa kii kaliya ee runtii aan ka baqi jiray inaan la ciyaaro. Sababtoo ah aad ayuu u fiicnaa.”
Messi ayaa saddex gool ka dhaliyay Szczesny, laakiin sidoo kale waxa uu mas’uul ka ahaa waxa goolhayuhu ku tilmaamay badbaadintiisii ugu weynayd abid. Waxa uu Messi ka qabtay rigoore ciyaartii heerka guruubyada ee Koobkii Adduunka 2022 oo Poland 2-0 lagu dhuftay.