20-jirka khadka dhexe ayaa loo oggolaaday inuu ku soo laabto garoomada 11 bilood kadib markii uu dhaawac jilibka uga maqnaa kubadda cagta. Haatan dib ugu soo noqoshada garoomada waxaa gacanta ku haya tababare Hansi Flick kadib marka la daraaseeyo xaaladiisa guud.
Waxaa jiray hadalheyn badan oo ku saabsan sida Gavi ugu soo laabtay tababarka usbuucyadii la soo dhaafay, waxaana hadda warbaahinta Cadena SER ay sheegtay in dhakhaatiirta Barcelona ay u fasaxeen inuu ciyaaro.
Si kastaba ha ahaatee, xaqiijinta rasmiga ah lama filayo inay timaado ka hor kulanka ay la ciyaarayaan Sevilla fiidnimada Axadda, maadaama Barcelona ay xaq u leedahay qiyaastii €20k oo magdhow ah oo ka imaaneysa FIFA.
Waxaa jiray hadal soo jeedinaya in dib u soo laabashadiisa laga yaabo in la sii dib dhigo hal ama laba toddobaad oo kale.
Kadib kulanka Sevilla, Barcelona waxay wajihi doontaa imtixaanno adag oo ay ku jiraan kulamada Bayern Munich iyo Real Madrid oo ay kula ciyaari doonto meel ka baxsan gurigeeda.
Dhammaan saddexdaas kulan waxay noqon doonaan kuwo culus, sidaas darteed waxaa jiray soo jeedin ah inay wanaagsan tahay in la sugo ka hor inta aan loo dirin cayaaraha noocaas ah, maadaama uu Gavi u baahan yahay awood jireed oo aad u sarreeysa.