Liverpool ayaa lagu soo warramayaa inay si dhab ah uga fiirsanayaan saxiixa daafac bidix cusub bisha Janaayo, iyadoo Benfica ay caddeysay qiimaha ay ku dooneyso Alvaro Carreras. Arne Slot ayaa doonayo inuu dib ugu soo celiyo daafaca bidix ee Isbaanishka horyaalka Premier League.
21 jirkaan ayaa u wareegay Benfica xagaagan kaddib markii uu horay amaah ugu joogay, waxaana uu ku guuldarreystay inuu ka dhex muuqdo kooxda Manchester United. Balse go’aanka Red Devils ee ah inay ku fasaxaan oo kaliya €6m ayaa haatan u muuqda mid qasaaro ah marka la eego dhibaatooyinka muddada dheer ay kala kulmeen booskaas 18-kii bilood ee la soo dhaafay.
Iyadoo uu waqtigiisa amaahda ku qaatay Preston North End iyo Granada intii uu ku sugnaa kooxda United. Old Trafford ayaa la yaab ku noqotay isbeddelka wanaagsan ee uu sameeyay daafaca bidix tan iyo markii uu u dhaqaaqay Portugal.
Wuxuu si joogto ah uga soo muuqday kooxda tababare Bruno Lage, isagoo noqday ciyaaryahan muhiim u ah kooxda reer Portuguese ee Benfica, wuxuuna si gaar ah door weyn uga ciyaaray tartanka Champions League xilli ciyaareedkan.