Benoit Badiashile, oo ay Chelsea ku soo iibsatay £35 milyan kana yimid Monaco, ayaa waxaa dhaleeceeyay daafacii hore ee Chelsea William Gallas, kaasoo sheegay in 23-jirkaan uusan “ku habbooneyn horyaalka Premier League.” Badiashile, oo kooxda ku soo biiray Janaayo 2023, ayaa weli la daalaa dhacaya inuu ka mid noqdo ciyaartoyda joogtada ah ee safka hore ee Chelsea.
Inkastoo uu u saftay in ka badan 100 kulan Monaco uuna sidoo kale ka mid noqday xulka qaranka France, weli kama uusan soo muuqan Premier League xilli ciyaareedkan, iyadoo fursadihiisa ciyaareed ay ku koobnaayeen Europa Conference League iyo Carabao Cup. Xilli ciyaareedkii hore, wuxuu Chelsea u saftay 11 kulan kaddib markii uu ku soo biiray bartamihii xilli ciyaareedka,asagoo ka qayb qaatay kaliya kala bar kulamadii horyaalka.
Gallas, oo daawaday Badiashile intii uu joogay Ligue 1, ayaa shaki ka muujiyay ku habboonaanshihiisa Premier League. Wuxuu sheegay in xitaa labo sano ka hor, uusan rumaysnayn in Badiashile uu lahaa tayada looga baahan yahay horyaalka Ingiriiska.
Dhaliishan ayaa imanaysa iyadoo Chelsea ay weli isku dayayso inay hesho xasillooni dhanka difaaca, maadaama daafaca dhexe ee da’da yar uu weli la qabsanayo baahiyaha kubadda cagta ee Premier League.