Daafacii hore ee Liverpool Joel Matip ayaa xaqiijiyay inuu ka fariistay ciyaaraha kubadda cagta.
Daafaca dhexe ayaa ka tagay kooxda Reds xagaagii hore ka dib sideed sano oo uu kooxda la qaatay, isagoo saftay 201 kulan. Waxa uu guulo waaweyn la gaaray kooxda.
Matip ayaa Liverpool ku soo biiray isagoo xur ah sanadkii 2016 isagoo ka yimid Schalke 04, waxaana uu ahaa xubin muhiim ah intii uu Jürgen Klopp ahaa tababaraha kooxda, isagoo gacan ka geystay loollanka kooxda ee tartanka Champions League. Waxa kale uu door muhiim ah ku lahaa ololaha guusha ee tartankaas sanadkii 2019 – isagoo caawiye ka ahaa goolka Divock Origi ee ciyaartii kama dambeysta ahayd kulankii Tottenham Hotspur ay guusha ka gaareen.
Kadib dhaawac muddo dheer ah oo soo gaaray xilli ciyaareedkii 2020-21, ciyaaryahankii hore ee xulka Cameroon ayaa dib ugu soo laabtay qaab ciyaareed heer sare ah xilli ciyaareedkii xigay. Reds waxey isku dayeen inay ku guuleystaan afar koob.
Matip ayaa ciyaaray 43 kulan – waana tiradii ugu badneyd ee uu hal xilli ciyaareed u safto kooxda – waxaana uu ciyaaray labada final ee Carabao Cup iyo Emirates FA Cup oo ay ku guuleysteen garoonka Wembley, halka sidoo kale uu ka mid ahaa kooxda kaalinta labaad ka gashay Premier League iyo Champions League.
Wuxuu sii waday inuu xubin muhiim ah ka noqdo kooxda intii lagu jiray xilli ciyaareedkii 2022-23 iyo bilowgii 2023-24, balse dhaawac jilibka ah oo soo gaaray bishii December ee sanadkii hore ayaa ka hor istaagay inuu mar kale u ciyaaro kooxda.
Heerka caalamiga ah, Matip ayaa 27 kulan u saftay xulka Cameroon isagoo hal gool u dhaliyay, waxaana uu ka qayb galay koobka adduunka 2010 iyo 2014.