Manchester City ayaa si degdeg ah u magacawday Hugo Viana si uu booska ugala wareego Begiristain, asaga oo noqonaya agaasimaha cusub ee ciyaaraha Manchester City.
Begiristain, oo 60 jir ah, ayaa bixi doona dhamaadka xilli ciyaareedkan, Viana ayaana la shaqeyn doona ilaa inta uu si rasmi ah uga tagayo kooxda xagaaga 2025.
Shaqada ugu weyn ee Viana waxay noqon doontaa inuu ka caawiyo City qorshaheeda xiga ee guusha, iyadoo Pep Guardiola uu ugu dambeyntii macsalaameyn doono saaxiibkiis Begistrain oo ay iskala soo shaqeeyeen Barcelona. Begiristain ayaa caan ku ah inuu Guardiola keenay Barcelona kadibna Manchester City. Waxa uu mas’uul ka ahaa saxiixyada ciyaartoy badan oo tayo sare leh, wuxuuna ka caawiyay City inay ku guuleysato koobab badan waqtigiisa.
Mid ka mid ah guulaha muhiimka ah ee agaasimaha cusub ee Viana lixdii sano ee uu ahaa madaxa shaqaaleysiinta Sporting Lisbon ayaa aheyd keenidda kooxda Ruben Amorim asagoo keliya kula soo wareegay € 10 million, taasoo keentay natiijooyin fiican.
Begiristain, oo City ku soo biiray 2012, ayaa ka tagi doona dhaxal aan la dhayalsan karin. Si kastaba ha ahaatee, bedelka booskiisa waxaa lagu qiimeeyn doonaa sida ay City ula shaqeyso hoggaanka Viana kadib tagidiisa.