Ciyaartoy u ciyaara kooxda Man United ayaa sida lasoo tebinayo ka hadlay mustaqbalkiisa kadib bilaabasho aan fiicneyn oo United ku bilaabatay xili-ciyaaredkan.
Wakhti xaadirkan Man United ayaa fadhida kaalinta 14aad kala saraynta Horyaalka, xili ay sidoo kale natiijoyiin aan fiicnayn ka heleen tartanka Europe League, United ayaa sidoo kale guul la’aan ah 5 kulan oo isxiga kadib guushii 7-0 ahayd ay ka gaadheen Barnsley.
Natiijooyinkaas liita ee isxigxigay ayaa keenay in shaki la geliyo mustaqbalka tababareha Kooxda Man United Erik Ten Hag.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in khadka dhexe ee Man United Christian Eriksen uusan weli wax wada hadal ah kala yeelan kooxda United heshiis mudo kordhin ah maadama heshiiskiisa hada uu dhacayo dhamaadka xili-ciyaareedkan.
Fabrizio Romano oo la weydiiyey hadii uu Eriksen kula jiro United wadahadalo heshiis kordhin ah ayuu Romano ku jawaabay: “Maya, gebi ahaanba ma jiraan wax wadahadalo ah”.
Christian Eriksen oo dhaleecayn kala kulmay isbuucan kabtankii hore ee Man United Roy Keane ayaa la filayaa inuu ka tegi doono geggida Old Trafford dhamaadka xili-ciyaareedkan.