Kooxda reer Spain ee Real Madrid ayaa kulamadii u dambeeyay la dhibaatoonaysay dhaawacyo kala duwan, iyada oo dhibaatoyin kale oo taam ahaansho kusoo biireen kadib guushii ay ka gaadheen Villareal kahor intii aan la aadin ciyaaraha xulalka.
Iyada oo dhaawacii cuslaa ee Carvajal kasoo gaadhay kulankaas keliya ay tabinayeen warbaahintu laakiinse isla kulankaas ay sidoo kale dhibaatooyin dhaawac kasoo gaadheen Vinicius Junior, Eder Militao iyo Andriy Lunin.
Carlo Ancelotti ayaa filaya in badi ciyaartoyda dhaawaca ku maqan ay kasoo kabtaan ka hor kulanka ay la leeyihiin Celta Vigo, Andriy Lunin ayaa la filayaa inuu kaso kabto xanuun, sidoo kale Thibaut Courtois oo maqnaa 2-dii kulan ee ugu dambeeyay Real Madrid ayaa la filayaa inuu kusoo noqdo kooxda.
Eder Militao iyo sidoo kale Vini Jr ayaa la filayaa inay kasoo kabtaan dhaawacyo fudud oo soo gaaray kulanki Villareal, xidig kale oo isagana la filaayo inuu kaso noqdo dhaawac ayaa ah Brahim Diaz.
Real Madrid ayaa wajihi doontaa isbuuc muhiim u ah iyaga oo ciyaaraya kulamo adag, Celta Vigo oo ay ku xigaan ka hor taga BVB ee Champions League iyo kulanka ugu weyn horyaalka Spain ee Elclassico oo ay kooxda Barca isku wajihi doonaan isbuucyada soo aadan.