Dhaawaca Bukayo Saka ee dhawaan soo gaaray intii lagu guda jiray guuldaradii 2-1 ee England ka soo gaartay Greece ee tartanka Nations League ayaa walaac ku abuurtay taageerayaasha Arsenal.
Saka oo garabka ka ciyaara ayaa la bedelay daqiiqadii 52aad ka dib markii uu dhaawac kasoo gaaray muruqa lugta midig.
Dhaawaca Saka ayaa sii kordhinaya walaaca Arsenal, iyadoo kooxdu ay durba la tacaaleyso maqnaanshiyaha kabtan Martin Odegaard.
Maamulaha ku meel gaadhka ah ee England Lee Carsley, ayaa xaqiijiyay in dhaawaca Saka la hubin heerka uu gaarsiisan yahay. Dhaawaca Saka ayaa imanaya ka hor kulanka soo socda ee Arsenal ay la ciyaari doonto Bournemouth, taas oo shaki galisay taam ahaanshihiisa.
23 jirkan ayaa qaab ciyaareed fiican ku qaadanaya kooxda Arsenal isaga oo dhaliyay 3 gool sidoo kale caawiye ka noqday 7 kale, 10 kulan oo uu ciyaaray xilli ciyaareedkan taas oo ka dhigaysa xiddig muhiim u ah Arsenal.
England ayaa wajihi doonta Finland kulankooda soo socda, laakiin Saka ayaa shaki weyn uu ku jiraa kulankaas inuu safto. Taageerayaasha Arsenal ayaa si walaac leh u sugaya wararka kasoo baxa xaaladda ciyaariyahanka.