Ciyaaryahankii hore ee Barcelona Javier Mascherano ayaa wareysi la yaab leh kusoo qaatay saaxiibkiis hore ee Lionel Messi, isagoo soo jeediyay in xiddiga reer Argentina uu ku fiicnaan lahaa booska daafaca.
Mascherano, oo Messi kula soo qaatay sideed xilli ciyaareed Barcelona iyo sidoo kale xulka qaranka Argentina, ayaa loo arkaa inuu yahay il lagu kalsoonaan karo marka ay timaado fikradaha ku saabsan ciyaaryahanka sideedda jeer ku guuleystay Ballon d’Or ka.
Intii lagu guda jiray wareysiga, Mascherano ayaa dad badan ka yaabiyay isagoo sheegay in Messi uu noqon lahaa mid ka mid ah daafacyada ugu fiican adduunka. Waxa uu sharaxay in Messi aan loo gembin karin xilliga tababarka.
“Haddii Messi uu ahaan lahaa daafac, waxa uu noqon lahaa mid ka mid ah daafacyada ugu fiican adduunka. Suurtagal ma ahayn in la moodo. Mararka qaar intii aan joognay Barcelona, waxaan ciyaari jirnay baashaal, suurtagalna ma ahayn inaan isaga dhaafno hadii uu daafaca istaago” Mascherano ayaa sidaas yidhi.
Waxa uu sii waday inuu sharaxo awooda difaac ee Messi, isagoo yiri, “Cid heli jirtay ma jirto fursad ay asaga ugu gembiso. Mararka qaarkood,waxaa jira weeraryahanno hadii ay daafac istaagaan aan la loodi karin. Messi Aad buu u dheereeyey, oo markii aad isku daydo inaad agtiisa marto, ma aheyn mid suurto gal ah.”
Inkasta oo doorka weerarka ee Messi ay ka dhigtay mid ka mid ah ciyaartoydii ugu fiicnaa taariikhda, haddana hadalka Mascherano ayaa daaha ka qaaday dhinac aan la aqoon oo ka mid ah awoodaha Messi, isagoo soo jeedinaya in halyeyga Barcelona uu awood u lahaa inuu sidoo kale ka soo dhalaalao doorka daafaca.