Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay heshiis hordhac ah la gaartay Denzel Dumfries oo ay kaga soo qaadan doonto Inter Milan beeca xorta ah xagaaga soo aadan.
Daafaca midig ee reer Holland ayaan wax heshiis ah u kordhin kooxdiisa Inter.
Heshiiska uu Damfries kula jiro ayaa ku eg xilli ciyaareedkan. Inter waxey ka cabsi qabtaa daafaceeda in uu mar hore heshiis la gaadhay Liverpool.
Dumfries waxa uu u ahaa ciyaaryahan muhiim u ah Inter, isagoo kula guuleystay horyaalka Seria A, laba Coppa Italia, halka uu gaaray finalka Champions League 2023. Liverpool ayaa wali rajaynaysa in ay sii haysato Trent Alexander-Arnold kaas oo uu heshiiskiisu dhacayo dhawaan laakiin Dumfries ayaa noqon doona mid wax ku soo kordhin kara hadii uu Arnold baxo.
Liverpool ayaa sidoo kale xiiso u muujineysa saxiixa Martin Zubimendi kadib qaab ciyaareedkiisii fiicnaa ee guushii Spain ee Euro 2024, laakiin ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa doortay inuu sii joogo Real Soceidad.
Dhanka kale, saxiixii ugu weyn ee uu sameeyay macalinka cusub ee Liverpool Arne Slot intii lagu jiray suuqa wuxuu ahaa Federico Chiesa oo Juventus kaga soo biiray 10 milyan ginni. Iyadoo ay jiraan caqabadahaas, Liverpool ayaa u muuqata inay isku diyaarinayso xagaaga soo socda iyadoo Dumfries ay tahay dooqa ay doorbidayaan.
Dumfries, oo 29 jir ah, ayaa 60 kulan u saftay Netherlands, waxaana uu caan ku yahay qaabkiisa weerarka isaga oo ah daafac ah. Liverpool ayaa sidoo kale ka shaqaynaysa sidii ay heshiis kordhin ugu samayn lahayd ciyaartoydeeda muhiimka ah sida Mohamed Salah iyo Virgil van Dijk.