Shaxda ugu fiican horyaalka Premier League ilaa haatan oo la soo saaray iyo kooxaha Arsenal iyo Liverpool oo ku leh ciyaartoyda ugu badan.
Horyaalka Ingiriiska ayaa ilaa haatan la ciyaaray 7 kulan oo kooxaha qaar kuso bandhigeen bandhigyo heersare ah halka qaar kale ay ilaa haatan muujiyeen bandhig hoose oo aan ahayn heerkii laga filayey.
Kooxaha Liverpool, Man City, Arsenal Chelsea iyo Aston Villa ayaa ku bilowday qaab ciyaareed fiican, halka United ay ka mif tahay kooxaha aan bilaabashadoodu fiicnayn.
Man City iyo Arsenal ayaa iyagu ah labada kooxood ee aan weli wax guuldaro ah la kulmin 7 kulan oo la ciyaaray horyaalka Premier League.
Shabakada qiimeynta ee kubada cagta ee WhoScored oo samaysay qiimeyntan ayaa ku salaysay 7-da kulan ee ilaa haatan la ciyaaray ayaa sidan u soo xushay shaxda ilaa hada ugu fiican horyaalka Premier League
Goolhaye: Raya
Daafaca: Pedro Porro, Vandijk, Konate, Robinson
Khadka dhexe: Saka, Palmer, Maddison, L.Diaz
Weerarka: Haaland, Kai Havertz.