Xiddigii hore ee West Ham United Paulo Di Canio ayaa Manchester United ku weeraray go’aankii ay Scott McTominay uga iibiyeen Napoli xagaagii.
McTominay ayaa si lama filaan ah ugu wareegay kooxda horyaalka Serie A ka dhisan maalintii ugu danbeysay suuqa kala iibsiga iyadoo 27 jirkaan khadka dhexe lagu iibsaday lacag gaareysa 25.4 milyan ginni.
McTominay ayaa noqday mid ku faraxsan Napoli madaama uu wacdarro u dhigayo kooxda Talyaaniga.
McTominay ayaa dhaliyay labo gool islamarkaana caawiye ka noqday gool kale shantii kulan ee ugu horeysay ee uu u ciyaaray kooxda, waxaana uu naanees amaan ah ka helay warbaahinta Talyaaniga.
Madaama Man United ay haatan dhibtooneyso, bixitaanka 27 jirkaan ayaa u sii muuqda mid qariib ah iyadoo xidigii hor eee Premier League Di Canio uu ku weeraray madaxda kooxda go’aankii ay ku iibiyeen xiddigaan.
“Waxaan aadi lahaa Manchester United waxaana soo xirxiri lahaa dhamaan agaasimayaasha: sidee baad u iibin kartaan McTominay?” ayuu Di Canio u sheegay Il Mattino.
Di Canio kaliya ma ahan dadka su’aasha ka keenaya go’aanka lagu iibiyay McTominay iyadoo joornaaliistaha Talyaaniag Riccrado Trevisan uu isna cambaareeyay go’aanka Man United.
“McTominay waxa uu dhaliyay goolal, waxa uu dhabarka ku siday kooxda, laakiin hadana waad ceyriseen! Waxba kama shaqeeyaan Manchester United, waa koox kaliya sameysa waxyaabo doqonimo ah, waxba ma qiyaasi kartid” ayuu yiri.