Manchester United ayaa xaqiijisay in Noussair Mazraoui uusan ciyaari doonin muddo dhowr isbuuc ah ka dib markii uu maray qaliin yar madaama uu dareemay wadno garaac xad dhaaf ah.
26 jirkaan daafaca ka ciyaara ayaa laga saaray ciyaartii Axada ee Aston Villa waqtigii nasashada ka hor inta aan laga saarin xulka Morocco ee todobaadkan ciyaaraya.
Waxa uu haatan garoomada ka maqnaan doonaa muddo dhowr isbuuc ah ka dib markii qaliin lagu guuleystay oo feejignaan ah laguna saxayo dhibaato wadnaha ka heysatay lagu sameeyay.
United ayaa ku tilmaamtay xaaladiisa mid iska caadi ah, Mazroui ayaa la filayaa inuu si buuxda u soo kabsado todobaadyada soo socda.
Mazroui ayaa xaalad wadno garaac ah dareemay intii uu socday kulankii Aston Villa ee barbaraha goolal la’aanta uu ku dhamaaday iyadoo lwaqtigii nasashada lagu bedelay Victor Lindelof.
Mazraoui ayaa ciyaaray dhamaan 10kii kulan ee Manchester United ee xilli ciyaareedkan isagoo ku soo wada bilowday marka laga reebo kulankii Carabao Cup ee ay 7-0 ku xasuuqeen kooxda Barnsley isagoo ciyaaray muddo nusa saac ah.
Dhaawacyada Luke Shaw iyo Tyrell Malacia ayaa sababtay in xiddiga reer Morocco iyo Diogo Dalot ay noqdaan xiddigaha kaliya ee garbaha daafac ka dheeli kara ee waa weyn.