In kasta oo Premier League-ga uu si qurux badan ay uga buuxan tayo sare oo ciyaaryahano garabka ka ciyaara ah, hadana way kala laacibsan yihiin.
Premier League-ga Ingiriiska Ciyaartoydii ugu fiicneed taariikhda ayaa ku sugnaa oo ka ciyaari jiray booska garabka sida Cristiano Ronaldo, Gareth Bale, Eden Hazard iyo qaar kale oo badan, kuwaas oo dhamaantood lahaa orod badan iyo awood farsamo oo tayo leh.
Xiddigaha Waqtigan ku sugan ee garbaha ka ciyaara ayaa soo bandhigay awood tayi ahaaned , waxaana ka mid ah ciyaaryahanadaas, Mohamed Salah, Bukayo Saka iyo Cole Palmer kuwaas oo si joogto ah wacdaro uga dhigay Liverpool, Arsenal iyo Chelsea, siday u kala horreeyaan.
Haddaba waa kuwaan 10-ka Ciyaaryahan ee garabka ugu fiican EPl-ka.
- Mohamed Salah / Liverpool
- Bukayo Saka /Arsenal
- Cole Palmer /Chelsea
- Phil Foden /Manchester City
- Son Heung-min /Tottenham
- Jarrod Bowen / West Ham
- Luis Diaz / Liverpool
- Anthony Gordon /Newcastle
- Leandro Trossard /Arsenal
- Mohammed Kudus /West Ham.