Tababaraha xulka qaranka France ee Didier Deschamps ayaa la yaabay ka dib markii uu arkay Kylian Mbappe oo lagu soo daray kooxda Real Madrid sabtidii hal maalin uun ka dib markii uu diiday in uu u doorto waajibaadka xulka qarankiisa, sida ay wararku sheegayaan.
Mbappe waa kabtanka xulka qaranka France, wuxuuna ahaa magacii naxdinta lahaa ee la waayay markii tababaraha Les Bleus Deschamps uu soo xushay shaxdiisa isku aadka UEFA Nations League ee soo socda.
25-sano jirkaan ayaa ah xudunta u weerarka France, kooxda ayaa horay ugu dhibtooneysay maqnaanshihiisa, laakiin waxay ku qasban tahay inay markale sameeyaan marka ay la ciyaaraan Israel iyo dalka ay deriska yihiin ee Belgium.
Dhaawac ka soo gaaray bowdada ayaa ka dhigay inuu ka maqnaado kulankii hore ee Madrid ay barbaro 1-1 ah la gashay kooxda ay xafiiltamaan ee Atletico isbuucii hore, waxaana sidoo kale la filayay inuu Mbappe garoomada ka sii ahaado muddo dheer.
Si kastaba ha ahaatee, weeraryahanka ayaa si degdeg ah u soo kabtay, waxaana uu ka soo kacay kursiga keydka kulankii naxdinta lahaa ee Madrid bartamihii isbuuca Champions League-ga ay guuldarada kala kulantay Lille – iyadoo walaalkii ka yar uu hogaaminayay dabaaldegii kooxda Faransiiska.
Hadda waxaa uu ka mid yahay kooxda Madrid ee wajihi doonta caawa Villarreal.
Talaabadan ayaa la yaab ku noqotay macalinka xulka kubada cagta Faransiiska iyadoo Deschamps uusan horay uga warqabin in Mbappe uu ciyaari doono, sida ay warineyso L’Equipe.
Warbaahinta Faransiiska ayaa xitaa xulashada Mbappe ka dhigtay bogga hore ee daabacaadda maalintooda iyadoo lala yaabay inuu u ciyaaro Madrid laakiin uusan u ciyaari doonin France.Deschamps ayaa horay u sharaxay go’aankiisa ah inuusan dooran xiddiga weyn sababtoo ah ma doonaynin inuu geliyo khataro aan loo baahnayn wuxuuna doorbiday inuu ka tago xiddigiisa si uu u soo kabsado iyadoo kulamo waaweyn ay sugayaan.
Si kastaba ha ahaatee, tababaraha Madrid Carlo Ancelotti ayaa ku adkeystay in Deschamps iyo kooxda caafimaadka France ay shaqaalaha caafimaadka ee kooxda u sheegeen xaalada ciyaared ee Mbappe.
Waxaa la arki doona doorka Mbappe uu ka ciyaari doono kulanka Villarreal.