Juventus ayaa lagu soo waramayaa inay ka fiirsaneyso saxiixa Sergio Ramos iyadoo kooxda Turin ay isha ku heyso halyeeyga Real Madrid ka dib markii Gleison Bremer uu ka dhaawacmay.
Juve ayaa Masiibo ku dhacday ciyaartii Champions League ee ay la ciyaareen RB Leipzig, iyadoo Bremer uu dhaawac halis ah soo gaaray taasoo keentay inuu garoomada ka maqnaado inta ka dhiman xilli ciyaareedka.
Dhaawaciisa ayaa dharbaaxo weyn ku ah Juventus, maadaama daafaca reer Brazil uu qeyb muhiim ah ka ahaa qorshaha taatikada ee Thiago Motta.
Juventus ayaa ka fikiraysa saxiixa Ramos maadama ay 38 jirkan u arkaan dookh macquul ah oo ay ku xoojin karaan difaacooda marka uu maqan yahay Bremer.
Daafaca dhexe ayaa koox la’aan ahaa tan iyo markii uu ka tagay Sevilla, waana suurtogal inuu aqbali u dhaqaaqista Juve.
Inkastoo Ramos uu dalabyo ka helay Saudi Arabia, Major League Soccer, iyo heerka sare ee Brazil, weli ma uusan u ballan qaadin inuu aadayo mid ka mid ah horyaaladaas.
Waxaa xusid mudan in Ramos uu iska diiday dalab uga yimid kooxda Sacuudiga ee Al-Ittihad ka hor inta uusan dib ugu biirin Sevilla sanadkii 2023-ka.
Haddii uu hadda ogolaado ku biirista Juventus, waxay calaamad u noqon doontaa markiisii ugu horreeyay ee uu Serie A ka ciyaaro, taasoo ka dhigeysa horyaalkiisii seddexaad ee ugu weyn Yurub ka dib La Liga iyo Ligue 1.