Inkasta oo uu nasiibku ka eexday oo daqiiqaddii ugu dambaysay waqtiga dheeraadka ah laga dhaliyey gool sababay inay lumiyaan saddex dhibcood oo gacantooda ku jiray oo ay kaliya hal dhibic kala baxeen garoonka Etihad Stadium, haddana Arsenal ayaa waxa loo diiwaangeliyey rikoodh ceeb ah oo ay waliba ku suntan yihiin laba ciyaartoy.
Arsenal oo Axaddii safar ugu tagtay Manchester City ayaa waxa gool kaga nixiyey Erling Haaland, balse Riccardo Calafiori ayaa darbad awood badan oo uu meel fog ka toogtay ku barbarreeyey, ka hor intii aanu Gabriel Magalhaes gool labaad u saxeexin Gunners, balse John Stones ayaa iyadoo uu garsooruhu afka ku hayo siidhiga dhamaadka waxa uu Man City u dhaliyey goolka barbarraha, iyadoo ciyaartuna usoo dhamaatay 2-2.
Arsenal ayaa waxa ay inta badan ciyaarta kud heelaysay 10 ciyaartoy, kaddib markii qaybta hore kaadh casaan ah laga siiyey Leandro Trossard, taas oo keentay in Arsenal ay iskugu ururto difaaca si ay goolkooda u ilaashadaan.
Intii ay ciyaartu socotay, waxa ceeb weyn ay usoo hoyatay labada ciyaartoy ee Kai Havertz iyo Jurrien Timber oo loo diiwaangeliyey rikoodh aan lagu arag horyaalka Premier League, gaar ahaan ciyaartoyda Arsenal.
Labadan ciyaartoy ayaanu midkoodna dhamaysitirin wax baas ah, sida ay sheegtay Opta Joe oo ururisa xogta ciyaartoyda iyo rikoodhada gudaha garoomada.
Jurrien Timber ayaa isku dayey inuu baas bixiyo 6 jeer, balse dhamaantood waxa ay noqdeen kubbado uu iska tuuray oo lugta u galay ciyaartoyda Manchester City iyo kuwo garoonka ka baxay. Sidoo kale, Kai Havertz ayaa isku dayey inuu bixiyo 5 kubbadood, balse midkoodna ma aanu sixin, waxaanu u dhiibay ciyaartoyda kasoo horjeedday.
Arrintan ayaa noqotay rikoodhkii ugu liitay ee laga diiwaangeliyo horyaalka Premier League tan iyo xilli-ciyaareedkii 2003-04.
Asc War meesha maa laga guuray waa maxay aamusnaantani
Mkhaayadu way fiic naan jirtaye ?????
fadlan laacib cadaalad u hadla Iska daaya cadaalad darrada