Siday xiddigo hore ay ugu sameysay oo Kale Liverpool waxay ku dhowdahay inay gubto Mohamed Salah.
Reds ayaa lumisay fursad ay xiddiga garabka uga iibin lahaayeen Saudi Arabia lacag badan.
Kahor inta uusan Mohamed Salah noqonin ciyaaryahanka ugu mushaarka badan taariikhda Liverpool xagaagii 2022, agaasimihii cilmi baarista ee Ian Graham ayaa loo xilsaaray inuu caddeeyo haddii ciyaaryahanka Masar uu runtii u qalmo qandaraas kordhin.
Salah ayaa horay u muujiyay inuu yahay mid ka mid ah saxiixyadii ugu fiicnaa taariikhda Premier League-ga.
Ka dib markii uu yimid Anfield bishii June 2017, £43 milyan oo ginni ayuu uga soo wareegay Roma, isagoo kadib ka caawiyay Jurgen Klopp inay ku guuleystaan sharaf kasta oo weyn.
Si kastaba ha ahaatee, Salah markuu 30-sano jirsaday waxaa leslahaa sida badankeeda ay dhacdo waxaa hoos u dhacaya qaab ciyaareedkiisa, laakin haatan ayuuba u muuqda mid shaqo diyaar u ah.
Waxa cajiib ah, wax yar baa iska beddelay ku meel gaadhkii.
Salah isagoo ah 32 jir , weli waa garabka midig ee ugu fiican , uguna waxtarka badan kubada cagta.
Sidee ayay suurtogal u tahay in hantida qiimaha leh ee noocan oo kale ah loogu ogolaan kara in uu baxo?
Haddaba, iyadoo aan la dafiri karin waxaa laga yaaba in ciyaaryahanka garabka ka ciyaara uu sii ahaado mid aan la bedeli karin in ka badan laba sano ka dib waxqabadkiisi ugu dambeyay, xaqiiqda ayaana ah in aan la siin wax heshiis kordhin ah.